Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF Somalia oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamdaan oo saaka aroortii hore laga qaaday garoonka Aadan Cadde ayaa la wareegay amniga garoonka Ugaas Nuur oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo isku dhaf ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadani ay la wareegeen madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb iyo xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoona Ahlu-Suna dhankeeda abaabul xoogan ay ka wado halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaa horay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu u shaaciyey in dowladdu dhaq dhaqaaq ka dhan ah heshiiskii ay wada galeen ay ka wado magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay dhowaan dhici doonaan shirweynaha dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug iyo doorashada hoggaanka sare ee maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this