Deeq A. Posted August 25, 2019 Dhuusamarabeeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo Beeleed oo wada daga hallkaasi. Ugu lix ruux ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites