Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: MD Farmaajo oo boggaadiyey qalinleyda Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1566721247592.jpgFB_IMG_1566721244547.jpgFB_IMG_1566721222010.jpgFB_IMG_1566721224615.jpgFB_IMG_1566721253623.jpgFB_IMG_1566721231534.jpgFB_IMG_1566721218270.jpgFB_IMG_1566721227747.jpgFB_IMG_1566721234145.jpgFB_IMG_1566721240691.jpgFB_IMG_1566721247592-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this