Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo hal sabab xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirkii qorsheynta maamulkaasi, Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Sidoo kale wareegtadan ayaa lagu sheegay in xilka uu siin heyn doono wasiiru dowlaha wasaaraddaasi, inta laga magacaabayo wasiir kale.

Ma shaacin Madaxweyne Xaaf, sababaha uu xilka uga qaaday wasiirkii qorsheynta maamulka Galmudug.

Warar kale oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday Cabdikaafi oo sidoo kale ahaa xoghayaha gudiga dib u heshiisiinta ay la xariirto, kadib markii uu shaaciyey inuu 2 garab u kala jabay guddiga ay dowladda Soomaaliya u magacawday maamulkaasi, islamarkaana uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan.

Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoo caqabado ay ka taagan yihiin shirweynaha dib u heshiisiinta oo marar badan dib uga dhacay waqtigii loogu tala galay inuu ku furmo.

Halkan hooseka aqriso:

wareegto-Xaaf.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this