Deeq A. Posted August 25, 2019 Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada huwanta ay howlgallo ballaaran ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Mareykan ah ay ka sameeyeen deegaanka Sablaale oo ay gacanta ku hayaan Xooggaga Al-Shabaab. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in dagaalyahannada ay dileen uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo ay horay Kenya u dul saartay madaxiisa lacag dhan labo milyan oo Dollerka Mareykanka ah. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday Shabeelaha Hoose, iyagoo dagaalyahannada Al-Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo ay ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites