Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Amniga Koonfur Afrika Oo Qabtay Diyaarada Rakaabka Ee Dalka Tanzania

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tanzania)-Ciidanka amniga ee magaalada Johannesburg ayaa gacanta ku dhigay diyaarad ay leedahay dowlada Tanzania, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga Koonfur Afrika.

15666799756ab0b.jpg

Xoghaya joogtada ah ee wasaarada gaadiidka iyo isgaarsiinta, Leonard Chamuriho, ayaa sheegay in ay qabteen kadib amar kaga yimid Maxkamada sare ee Gauteng.

Mr Chamuriho ayaa intaa raaciyay in ay ka shaqeynayaan sii deynta diyaaradaan marka ay dhamaato eedaha loo Heesto.

Diyaarada Tanzania Air oo ka duuli rabtay garoonka Oliver Tambo ee magaalada Johannesburg kuna wajaheyneyd caasimada Dar es Salaam ayaa rakaabkii saarnaa lagu qasbay in ay Baaqdaan.

Agaasimaha dhanka maamulka diyaarada Tanzania Ladislaus Matindi ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin talaabada ay qaaday Koonfur Afrika.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowlada koonfur Afrika ay qabato diyaarada rakaabka ee Tanzania.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this