Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Ka Mid Ah Al-shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Sh/hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwooda sida gaarka ah u tababaran oo ay wehliyaan ciidamo Maraykan ah ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Sablaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxa ay ciidankan gudaha u galeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare geystay, sida ay saraakiil ka tirsan Kumaandoosta Soomaaliya u sheegeen raadiyaha ciidamada qalabka sida.

Saraakiishan ayaa sheegay in weerarkaasi ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana weerarkoodaas uu ahaa mid qorsheysan.

Howlgalkan ayeey sheegeen sidoo kale in lagu diley Maxamed Dhuubow oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab, waliba dhowaan ay lacag badan madaxiisa dul dhigtay dowladda Kenya.

Ururka Al-shabaab ayaa weli dhankooda wax hadal ah kasoo saarin weerarkan ka dhacay Sablaale iyo waxa ka jira in laga diley sarkaal sare iyo ciidan badan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this