Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare geystay.

Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari noociisu ahaa Toyota HILUX, waxaana la socday agaasimaha isbitaalka xoogga dalka iyo askar ilaalo u ahayd, xilli ay marayeen meel ku dhow carwadii hore ee Taleex, degmada Hodon.

Labo qof ayaa ku dhaacmay qaraxan, waxaana ay kala ahaayeen agaasimaha Isbitaalka Xoogga, Khadiijo Iimaan Caynte iyo Darawalkii Gaarigaasi oo magaciisa naloogu sheegay Aadan Yare.

Goobta qaraxan uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamada Booliiska, kuwaasi oo bilaabay baaritaan aan weli wax natiijo ah laga soo saarin.

Miinada qaraxday ayaa la sheegay in dhulka ay ku aasneyd, iyadoo wadadaasina tahay mid inta badan ay dadweynuhu adeegsadaan, islamarkaana mashquul badan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ahaa mid soo hagaagayey.

005.jpg 004.jpg 003.jpg 002.jpg 001.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this