Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ciidamo geysay M/ Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka labo diyaaradood oo siday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka degeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo Boolis ah ayaa saaka aroortii hore laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah lagu kordhiyey ciidamada ilaalinaya ammaanka garoonka magaaladaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay Ahlu Suna ay uga digtay qorshaha Ciidamada dowladda lagu geynayo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this