Deeq A. Posted August 25, 2019 Afgooye (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay laga sameeyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababarn ee Danab oo kaashanaya kuwa Mareykan ah ayaa ka dhacay deegaanka Sablaale ee gobolkaasi. Sida ay warbaahinta dowladda u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaliya waxaa howlgalkaasi lagu dilay 18 ka tirsanaa Al-Shabaab. Saraakiishan ayaa sheegay in xubnaha la dilay uu ka jiro sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhuubow, kaas oo horay Kenya madaxiisa ay dul dhigtay lacag. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites