Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Faah faahin ku saabsan qarax ka dhacay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay ciidamo ka tirrsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore Taleex ee degmadaasi.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxa ayaa lala beegsaday gaari Toyota HILUX  oo ay wateen ciidamadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay darawalkii gaariga, iyadoona uu ku dhaawacmay askari kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka hay’adaha amniga oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadiisa.

Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah nabad galyada oo muddooyinkii dambe ka dhacayey gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this