Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Golaha wasiirada oo go’aamiyey ciidanka kaliya ee ay isku aamini karaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa isku raacay go’aan ah, in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo kaliya ay ilaalo ka noqdaan darnaamijyada ay dhigtaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada ayaa la isku raacay in Xafladaha, Shirarka waa wayn iyo Munaasabadaha oo dhan ay masuuliyad ka saaran tahay Ciidamada Ilaalada Madaxtoyada Soomaaliya,  haddii lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa go’aankaasi kamid ahaa in Ciidamada ay la wareegaan ammaanka goobta uu Barnaamijka ka dhacayo saacado ka hor inta aysan tagin masuuliyiinta ,iyagoo baaraya Hoolka iyo Guud ahaanba Hoteelka lagu qabanayo.

Ciidamadaasi shaqada qabanaya waxay maalintaas leeyihiin lacago ka dheeraad ah mushaarkooda, oo lagu darayo qarashka Xafladda ama Shirkaas la qabanayo ku baxayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Si rasmi ah looma oga sababta keentay balse waxaa la aaminsan yahay in ay arintaan ay qayb katahay adkeynta amniga Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Dowladda kadib qaraxii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee uu ku dhintay Guddoomiyihii Gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho.

Waxaa jira cabsi xooggan iyo walaac laga qabo isku halleyn la’aan shaqaalaha dowladda qaarkood ah, ayada oo la tuhmayo inay ku dhgex milan yihiin xubno la shaqeeya ama ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this