Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka oo ciidamo ka dajisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka ay halkaasi ciidamo ka dajisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weriyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga soo qaaday magaalada Muqdisho goor dhoweyd oo saaka ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

keenista ciidankan ayaa ku soo beegmatay xilli khilaaf sii xoogaysanaya uu u dhexeeyo hoggaanka sare ee Ahlusunna iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Ahlusunna ay dowladda ku eedaysay in ay uga baxday heshiiskii labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka oo ciidamo ka dajisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this