Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo xarun cusub u raray maxkamadii looga wici jiray shacabka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Basra (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa degmada Tooratoorow ee Gobalka Shabeelada Hoose ka raray maxkamad ay ku lahaayeen ee looga wici jiray shacabka Muqdisho, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Al-Shabaab ay todobaadkii tegay tobaneeyo dad ah adeeg Garsoor ugu sameeyeen degaanka Basra ee Gobalka Shabeellada Dhexe, kuna dhow Xuduuda 2-da gobol ee Shabeelooyinka.

Tooratoorow waxay u dhawdahay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose, oo ay dhawaan qabsadeen Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxaana adkaatay in Al-Shabaab ay halkaasi ku sii shaqeeyaan.

Dhowr qof oo hore u tagay Tooratoorow oo ay dacwadooda socoto muddo dhowr maalmood ah ayaa Caasimada Online u sheegay in maxkamadii Al-Shabaab loo wareejiyay Basra ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Basra waxay ku taala Xuduuda Shabeellooyinka waana dhul beereed hoos yimaada degmada Balcad ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale waxaa ku teedsan dhul keyn ah, waana meel ay adagtahay in dagaalo ka dhacaan waqtiyada roobka.

Lama oga sida ay wajihi doonaan Milateriga Soomaaliya saldhigga Al-Shabaab ee Basra ka furteen oo ah maxkamad ay ku sheegeen in ay ku qaban doonaan Adeegyo Garsoor.

Al-Shabaab ayaa hore ayaa usoo raray xaruntoodii Canshuuraha waxayna ka dhigeen Baadiayah degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, sida ay werisay Caasimada Online.

Al-Shabaab oo soo rartay xaruntii canshuur qaadista ganacsatada dekeda Xamar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this