Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mukhtaar Roobow oo xabsiga laga soo saaray loona wareejiyey xabsi guri

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga kasoo saartay ku-xigeenkii hore ee kooxda Al-Shabaab Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, una wareejiso xabsi guri, sida ay ilo-wareedyo ku dhow wadaadka u sheegeen Caasimada Online.

Roobow ayaa ku jiray xabsi ku dhex yaalla xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, oo lagu hayey tan iyo markii laga soo xiray magaalada Baydhaba 13-kii December ee 2018.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Roobow oo wareejiyey xabsi guri, hase yeeshee waxa ay ka gaabsadeen inay shaaciyaan sabata.

Waxaa horey u jirtaay in xaaladda caafimaad ee Roobow aysan wanaagsaneyn bilihii dhowaa, waxaana la rumeysan yahay in xabsiga guriga uu uga wanaagsan yahay xabsiga caadiga ah, taasna ay u badan tahay sababta looga soo saaray xabsiga.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa 24-kii June laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa.

Waxay markaas ahayd waqtigii labaad oo muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this