Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay sidii la’isu waafajin lahaa doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad, oo maanta dib ugu soo laabtay Garowe ayaa ka hadlay shir uu Nairobi kula soo qaatay deeq bixiyayaasha caalamka iyo qaar kamida safaaradaha reer Yurub.

FB_IMG_15666705211725477.jpg?w=1000&ssl=Puntland iyo Beesha Caalamka oo shir ku yeeshay Nairobi

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in kulamadaas looga hadlay sidii Puntland looga caawim ahaa hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyeynta, iyo sidii Puntland uga qabsoomi lahayd doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

“Sidaad la socotaan mudo Asbuuc ah waxaan ku maqnaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo aan shaqooyin kale duwan u tagay, mudadii aan halkaa joogay wax weyn ayaa noo-suurta galay, waxaana ugu muhiimsanaa in aan shirar caalami kusoo galo, oo looga hadleyey Barnaamijka Dimuqraadiyeynta ama doorashooyinka Puntland, iyo dowlad wanaaga oo aan arrimahaas kusoo wada hadalnay beesha caalamka, shirarkii ugu muhiimsanaa oo soo qabsoomay waxaa kamida shirkii Agoosto 21dii ka dhacay safaarada Switzerland, ee Dalka Kenya, shirkaas oo noo abaabushay safaarada Switzerland, ayna isugu yimaadeen deeq bixiyayaal, iyo safaarado kamid ah daneeyayaasha Soomaaliya sida EU delegation, UK, Norway, Sweden, Switzerland, Nairn Denmark, SSF iyo UN. Ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Sidoo kale Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in shirarkaas uu ka qeyb galay lagu soo hadal qaaday sidii la’isu waafajin lahaa doorashooyinka qaranka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobaleedyada.

“Hanaanka doorashooyinka qaran iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS, sidii la’isu waafajin lahaa ayaa laga wada hadlay iyo sidii Soomaaliya uga dhici lahayd doorashooyinka qof iyo cod, waaba hadiii doorashadaas ay-ba kasoo dhowdahay dowlada faderaalka, ee ku saleesan hal cod iyo hal cod, taasoo hada ififa-faalaheeda muuqan, hadeysan muuqan sidii looga fakari lahaa waddadii kale ee Soomaaliya, doorashadeeda ku dhici lahayd maadaama ay qar soo-saaran tahay udiyaar garow-geedii arrimahaas waxay kamid ahaayeen arrimihii laga wada hallay”. Ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Puntland iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Posted by Puntland Post on Saturday, August 24, 2019

Puntland ayaa todobaadkii tegay magacowday Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Puntland iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay sidii la’isu waafajin lahaa doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this