Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo iyo Kheyre waxay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka Puntland, beel dhan ayaa laga tirtiray DF” Waxaa yiri….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo ka tirsan golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu horrayn wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ku eedeeyay in ay si cad shahaadadii Jaamacadaha ugu diidday ardayda ka yimaada degaannada Puntland, ee soo dhammaystay dugsiyada sare, si ay uga reebto ardayda asaagood ah ee ka yimid gobollada kale ee dalka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamay in ay dagaal ku hayaan nolosha iyo jiritaanka shacabka Puntland, isagoo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay kicin iyo iska horkeenid ay ku wadaan shacabka iyo dowladda Puntland, si ay u wiiqaan jiritaanka Puntland, sida uu hadalka u dhugay.

Wuxuu sheegay in madaxda Federaalku ay shacabka Puntland u quuri waayeen warqad yar oo looga baahday lana xiriirtay dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug oo si isku tashi ah loo dhisayo.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre ku eedeeyay in ay dagaal gaar ah iyo tir-tirid siyaasadeed ku hayaan mid kamid ah beelaha dega Puntland oo guud ahaan laga sifeeyay xilalka iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dowladda Federaalka.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this