Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo dib u celiyay hantidii agoonta marxuum Cabdifataax Xalane

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dib u celiyay hanti isugu jirtay hub iyo gaadiid oo uu lahaa Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdifitaax Cumar Xalane, oo ahaa agaasimihii Guud ee Nadaafadda Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Taliska Booliiska ayaa tababar u furay askartii ilaalada u aheyd Marxuum Xalane, kuwaas oo hadda ku jira Dugsiga Tababarka Booliiska Soomaaliya ee General Kaahiye, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qaar kamid ah ehelada Marxuum Xalane ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in loo soo celiyay hubkii iyo gaadiidkii islamarkaana ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in laga iibin doono Carruurta agoonta ah hubkaas maadaama uusan waxba u tareyn islamarkaana aysan habooneen in Sharci darro ah magaalada lagu sii heesto.

Hadda waxaa gacanta ku haya hubkii Marxuum Xalane dhalinyaro katirsan Milateriga Soomaaliya oo qaarkood ay Saraakiil yihiin kuwaas oo la sheegey in ay walaalo yihiin Cabdifitaax Cumar Xalane.

Arintaan ayaa timid kadib markii maalmo ka hor ay Caasimada Online baahisay in Dowladda Soomaaliya ay qaadatay hub uu ka dhintay Marxuuma Xalane oo ku dhintay gacanta Al-Shabaab.

Xog: DF oo la wareegtay hanti ay leeyihiin agoonta Cabdifitaax Cumar Xalane

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this