Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo Midowga Africa ka diiday codsi ku aadan kiiska Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday casuumaad uga timid ururka Midowga Afrika, kaas ku saabsan kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Martiqaadkaasi oo xukuumadda loo soo gudbiyey balse ay diiday ayaa wuxuu ku saabsanaa ka soo qeyb galka kulan is-xog-wareysi ah oo guddiga ururka soo agaasimay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegtay Midowga Afrika in ay kalsooni ka qabto in Maxkamadda ICJ ay gal-dacwadeedkan ku ridi doono xukun cadaalad ah.

ICJ oo fadhigeedu yahay magaaladda Hague, Netherlands, ayaa dhageysiga kiiskan dib ugu muddeysay 9-ka illaa iyo 13-ka bisha September ee sanadkan 2019-ka.i.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ku taariikheysan 21-ka August 2019 ku sheegtay “in aysan habooneyn” in ay aqbasho casuumaada AU-da maadaama kiiska uu horyaalo xeer-beegtada dunida.

Iyadda oo sharaxeysay sababta ay Soomaaliya kiiskan ula aaday Maxkamadda, wasaaradda ayaa xustay in aysan Kenya wax heshiis ah kala gaari karin qaddiyadan. Dowladda federaalka waxay dacwadda xareysay 2014-kii.

“Kenya waxay si khaldan ugu turjuntay talaabadaasi mid aanan saaxiibtnimo ahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay mareega GO, xafiis wareedkiisa Muqdisho.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa waxaa lagu cambaareeyay talaabadda Xildhibaanadda Kenya ku sheegeen in ciidamadooda ay diyaar u yihiin in ay difaacan dhulkooda.

Sidda lagu sheegay jadwalka ICJ, Soomaaliya ayaa dooda labaad waxay soo bandhigi doonta Khamiis, 12-ka September, halka Kenya ay jawaabteeda la imaan doonto Jimce, 13-ka September.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa isku haya goob badeed lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Naqaska.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this