Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya oo burburiyey xarun ay laheyd Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN) – Iyada oo ay weli sii socoto burburinta ay Ciidanka Kenya ku hayaan xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka & Gedo ayaa Ciidanka Kenya shalay Jimco, August 23, 2019 burburiyeen xaruntii ay Shirkadda Hormuud ku leheed tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Kenya ayaa gubista xaruntaan waxa ay u adeegsadeen Qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo ka dibna qarxiyey, waxaana goobta ku bur buray Dhismihii Shirkadda & qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS, Link-yo, 2 dab dhaliye, Tower & Agabkii kale ee Xarunta Yiilay.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase ay dhibaato nololeed ku reebtay bulshada ku nool Deegaanka Cowsqurun & Tuulooyinka ku xeeran, maadaama ay dadku isticmaalaan lacagta Telephones-ka la isugu diro ee EVC Plus.

Afhayeen u hadlay shirkadda Hormuud Telecom ayaa Saxaafadda u xaqiijiyey in Ciidanka Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed Deegaankaasi.

Ciidanka Kenya ayaa sanadihii la soo dhaafay burburin sharci darro ah ku hayey Xarumaha Shirkadda Hormuud sida: Jaldeys, Cali Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this