Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Ahlu-Suna oo xukun ku fulisay rag kufsi geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn, Xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa aqriyay xukunka dhallinyaradan oo loo xiray kufsi Guriceel ka dhacey dhowr bilood ko hor, waxaana markaa kadib dadka hortooda la leenay maxaabiista oo ay jeedaleen xubno booliska Ahlu-Sunna.

Ahlu-Sunna ayaa saaka dadweynaha magaalada ku wargalisay in ay yimaadaan barxadda magaalada si ay u daawaddaan xukunka lagu ridaayo labadda ruux ee loo heystay kufsi ka dhacay  Guriceel.

Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah.

Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada

68752055_1204871339685573_78941713992442 68864284_1204871376352236_65867871382080

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this