Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Caruurta iyo xaaska Injineer Yariisow oo booqday halkii uu ku shaqeyn jiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Gudoomiyihii hore ee AUN Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow ayaa maanta tagay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar waxa ayna booqdeen Xafiiskii uu ku shaqayn jiray Eng Yariisoow.

Qoyska Marxuun Yariisoow, ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumur Mahadale Ibraahim Dheere waxa uuna ugu mahadceliyay Booqashadda ay ugu yimaadeen.

”Waxaan maanta xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyey qoyska Allaha u naxariistee Duqii hore ee Muqdisho ahaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow)

Waxaan soo kala tusay qaybaha kala duwan ee xafiisyada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar iyo howlaha socda oo maamulku dar-dar ku wado” ayuu yiri Mahadalle.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumur Mahadale Ibraahim Dheere ayaa sheegay in ay u balan qaadeen Elahada Gudoomiyihii hore in ay sii wadi doonaan shaqada ay u hayaan Magaaladda Muqdisho.

“Waxaan u ballan qaadnay in aan sii wadi doono dedaalkii, dhabar adaygii, shaqadii geesinimada lahayd iyo wadaninimadii uu ku sifoobey ayana noqon doonto mid mar waliba xusuus ku sii ahaan doonta qalbiyadeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray Weerar ismiidaamin ahaa oo Al shabaab sheegatay Masuuliyadiisa kaas oo 24 Juulay ee sanadkaan lagu qaaday Xarunta Gobolka Banaadir.

69643714_120819122599501_559452613091786 68625558_120819085932838_527558194541625 68735693_120818985932848_502698443655033 69046318_120818945932852_919040084852867 69231144_120818879266192_831153033651735

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this