Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqa Kismaayo oo maanta dib loo furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Waxaa maanta dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay dhowaan Jubbaland  bandow dhul,cir iyo badba ku soo rogtay magaaladaasi.

Garoonka diyaaradaha, dekedda iyo xarumaha mamulka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay howlahooda shaqo.

Sidoo kale waxaa dib loo furay waddooyinka soo gala Kismaayo, kuwwas  oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayirnaayeen gaadiid fara badan.

Xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib doorashooyinkii iska soo horjeeday ee ka dhacay maamulkaasi.

Doorashooyinkan ayaa waxaa lagu doortay illaa 3 madaxweyne oo uu mid kasto sheegaynayo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee Jubbaland.

Odayaal iyo waxgarad is abaabulay ayaa haatan wada dadaallo lagu xalinayo xiisadahaasi, si aysan uga dhalan rabshado kale.

Tan iyo khamiistii la soo dhaafay xaaladda ayaa aheyd mid iska cakiran, kadib markii la’isku khilaafay doorashada sanadkan ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this