Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) –  warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo siyaaso kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kadib qoraal ay ku baahisay baraha Internet-ka.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in qaraxa koowaad uu ka dhacay deegaanka Buulogaduud, islamarkaana ay la beegsatay ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Jubbaland.

Sida ay sheegatay Al-Shabaab wax ay qaraxaasi ku dishay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta ee mamaulaasi.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in qarax kale oo ka dhacay deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi ay ku dishay saddex ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuna dhaawacday mid kale, kuwaas oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaankaasi.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ballaaran ay ka socdaan gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this