Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Cape town)-Kooxo Budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape town ee dalkaas waxaa ay ku dileen nin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka gacansiga ku leh halkaas.

Koonfur-Afrika.jpg

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka ninkan Soomaaliyeed uu ka dhacday deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo hoos yimada Magaalada Cape Town, iyadoon uu u geeriyooday Muwaadinkaas rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jidhkiisa.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Oog ,isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.

Kooxihii dhagar-qabayaasha ahaa ee fuliyay dilka Cabdifitaax Oog ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrka ,iyagoo sameeyay baadhitaano aan wax Natiijio ah ka soo bixin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this