Deeq A. Posted August 24, 2019 (SLT-Riyadh)-Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Sacuudiga ay aqoonsatay Baasaboorka Somaliland. Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato baasaboorka si ay Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xidhiidhka maalgashi ee dowladda Qatar. Wargayska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in kadib markii dawlada qadar ay bilaawday maalgalinta dakadaha dalka, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, Taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka. Labada dal ayuu wargaysku tilmaamayaa in uu aad u wayn yahay danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya. Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in dowladda Sacuudiga ay Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland ay Casuumaad rasmi ah ay u dirtay islamarkaana uu qeyb-galay xajkii sanadkan. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ku safreen. Baasaboorka Somaliland taasoo dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay aqoonsatay. Source: Dailysabah Source Share this post Link to post Share on other sites