Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Oo Diiday Casuumad Ku Saabsan Kiiska Badda Oo Ka Timid Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku saabsan kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika.

soomaaliya-iyo-KENYA.png

Casuumaad toos ah oo Soomaaliya uga timid ururka ayaa waxaa ku gacan seertay xukuumadda dawladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dacwadda labada waddan ay hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ayna geli doonin wax gor gortan ah, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda.

maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa la filayaa inay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka.

Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-ka illaa 13-ka bisha soo socota ee September.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this