Deeq A. Posted August 24, 2019 Cape Town (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dilay agaarka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Khayelitsha oo ka tirsan magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Oog, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2019-ka ayaa waxaa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites