Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Tanzania Oo Xidhay Saxafi Lagu Eedeeyay Warar Been Abuur Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tanzania)-Laamaha amniga Tanzania ayaa xabsiga dhigay saxafi lagu eedeeyay in uu gudbiyay warar been abuur ah oo ku aadanaa in uu tabiyay xadgudub lagu eedeeyay ciidanka Booliska.

15665905136bdb3.jpg

Joseph Gandye, oo ka shaqeeya Tv maxali ah oo lagu magacaabo Watetezi ayaa la xabsiga lagu xidhay magaalo madaxda Dar es Salaam.

Qareenkiisa oo lagu magacaabo Jones Sendodo, ayaa sheegay in wariyahaan loo gudbiyay xabsi ku yaal degmada Iringa ee dhacda koonfurta Tanzania.

Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha dalkaasi ayaa waxay sheegtay in Gandye xadhigiisa uu yimid kadib markii macluumaad la xidhiidha xadgudubyo ay geesteen Booliska uu tabiyay 9-kii bishan August.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this