Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Tunisia Oo Xidhay Siyaasi U Taagan Xilka Madaxweynenimo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tunisia)-Ciidanka Booliska Tunisia ayaa xabsiga dhigay siyaasi u taagan xilka madaxtinimo ee dalkaasi oo lagu magacaabo Nabil Karoui, kaasi oo sidoo kale leh milkiyada Tv- maxali ah oo ku yaal Dalkaasi.

15665935096574e.jpg

Siyaasigan oo 56 sanno jir ah ayaa diyaar garow xooggan ugu jiray in uu u loolamo doorashada madaxtinimo ee dhaceysa bisha September.

Tunisia ayaa u diyaar garoobeysa doorasho kadib geeridii bishii hore ku timid madaxweynihii sida dimuquraadiga ah loo soo doortay ee Beji Caid Essebsi.

Mr Karoui ayaa waxaa loo maxkamadeeyay bishii Jully danbi la xidhiidha maydhista lacagta madow si uu ugu adeegsado ololihiisa Doorashada.

Howlgalka lagu qabtay Nabil ayaa waxaa ka qeyb qaatay 15 gaadhi oo ay wateen ciidanka booliska gaarka ah jimcihii shalay.

Idaacada maxali ah oo ku taal magaalada Tunis oo lagu magacaabo Mosaique ayaa tabisay in xadhigan Nabil iyo walaalkiis Ghazi ay soo amartay wasaarada Amniga

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this