Sign in to follow this  
Deeq A.

OIC Oo Jabuuti Ka Taageeraya Ololaheeda Kursiga QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Iskaashiga islaamka ayaa sheegay in dowladda Jabuuti uu taageero weyn ka siin doono ololaheeda ay ku dooneyso iney ku hanato kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka QM.

War kasoo baxay ururkan ayaa lagu sheegay in dowladda Jabuuti loo ballanqaadayo taageero iney ku siiyaan kursigaasi maadaama Jabuuti ay ka mid tahay ururkaasi.

Wuxuu ururkan ka codsaday dhammaan dalalka ku jira ururkan iney codkooda siiyaan Jabuuti, walibana u muujiyaan garab istaag dhab ah.

Midowga Africa ayaa codeynta cidda ku mataleysa kursigan waxaa kusoo baxday dowladda Kenya, balse Jabuuti ayaa sheegtay ineysan taa aqbaleyn oo ay ku tartami doonto.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this