Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Ahlu Sunna iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale soo shaac baxay khilaaf u dhexeeya Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Galmudug, kaas oo ka dhashay shir dhowaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wasiirka dib u heshiisiinta maamulkaasi Saalax Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay khilaafkan cusub, wuxuuna beeniyey war ka soo baxay Ahlu Sunna oo ku aadanaa in xubno ka mid ergada oo tegay deegaanada Al-Shabaab ay ka qeyb galayaan shirka dib u heshiinta ee dowlad goboleedka Galmudug.

Saalax Cabdullaahi ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay ka been abuurtay golaha wasiirada maamulkaas, islamarkaana qodobo aan laga wada-hadlin ay la wadaagtay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jirin dad Al-Shabaab ah oo soo gaaray Dhuusamareeb, qeybna ka ah ergada ka qeyb galeysa shirkaasi.

Shalay ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Duraan Maxamed Samatar  uu shaaciyey in qaar ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta ay tageen deegaanada Al-Shabaab, isla markaana ay ka walaacsan yihiin in xubno la shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan maamulkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/Wasiirka-Dib-u-heshiisiinta-Galmudug-2.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this