Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ciidamo soo dhoobtay xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (SMN) Wararka naga soo gaaraya xadka Soomaaliya ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Kenya ciidamo dheeraad ah ay soo dhoobtay halkaasi.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilbaabeen xadka ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay ka war heleen weeraro ay damacsan yihiin in ay geystaaan, islamarkaana ay ciidamadu ka hortagi doonaan.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this