Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ragaadiyey shirkii dibu heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa ka taagan khilaaf u dhexeeya madaxda maamulka Galmudug, Ahlusuna Wal-jameeca iyo xubnihii guddiga dibu heshiisiinta Galmudug oo lakala saftay.

Khilaafkaan ayaa intiisa badan salka ku haya xubnaha ka qaybgalaya shirka dibu heshiisiinta deegaamada Galmudug oo martigelintiisa loo igmaday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah labada garab ee khilaafkaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Qorsheynta Galmudug ay taageereen Go’aamada Ahlusunna, maadaama markii hore uu keenay Hogaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Guddoomiyaha guddiga dibu heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Baadiyow iyo xubno katirsan golaha wasiirada Galmudug ayaa ka horyimid hadalkaan waxaana ay sheegeen inuu meel kadhac kuyahay ergooyinka la casuumey, laguna burburinayo shirka dib u heshiisiinta.

The post Khilaaf ragaadiyey shirkii dibu heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this