Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo shaacisay waxa laga yeelayo siyaasiyiinta kasoo horjeeda A/Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceel-Waaq (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada xoogga dalka  Soomaaliya ee Gobolka Gedo ee Jubaland Col. Cabaas Ibraahim Gureey oo la hadlayey dad shalay isugu soo baxay Degmada Ceelwaaq ayaa waxa uu ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Jubbaland, iyo waxa laga yeelayo dadka kasoo horjeeda Axmed Madoobe

Col. Cabaas Ibraahim Gureey, oo ay aad isugu dhow yihiin Axmed Madoobe, ayaa shacabka Gobolka Gedo ugu baaqay in ay taageeraan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khamiistii lagu doortay Doorasho ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Taliye Cabaas ayaa fagaare ka sheegay in Axmed Madoobe uu yahay Hogaamiye waxqabad muuqda u sameeyay dadka Jubbaland, sidaas awgeed uu mudan yahay in la taageero.

Dadka kasoo horjeedo Axmed Madoobe waxa uu ku sifeeyay in ay lamid yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay ula dagaalami doonaan si Shabaab la mid ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa waajib in aan taageerno, tan kale waxa aan idiin sheegayaa, Axmed Madoobe ma ahan kuwa Laptop-ka ku hubeysan, ma ahan kuwa Baasaboorka Ajnabiga wata, mana ahan kuwa Qurbo joogta ee waa nin Dalka usoo halgamay, Ninkii maanta aan dooneen waa Al-Shabaab, dagaal ayaa nalaga dhaxeeyo” ayuu Yiri Col. Cabaas Ibraahim Gurey.

Isku soo bax ka dhacay Degmada Ceelwaaq oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada waxa uu isku badalay mid rabsho kusoo dhamaaday, kadib markii dadkii ka qaybgalayay qaarkood ay kasoo horjeesteen Axmed Madoobe.

Haweeney ayaa la sheegayaa in ay ku geeriyootay kadib markii rasaas lagu furay dadkaan ka qaybgalay isku soo baxa ka dhacay Ceelwaaq ee foodada isku badalay.

Halkaan ka Dhageyso Codka Cabaas Gurey

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/korneyl-Cabaas.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this