Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Kenya oo dacwad ka dhan ah kiiska ICJ ee badda u gudbisay Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Iyadda oo ay soo dhowdahay waqtiga ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka dib u bilaabeyso dhageysiga dacwadda badda, dowladda Kenya ayaa karaar-siisay qorsheyaasheeda ka dhanka ah ICJ.

Xukuumadda Nairobi ayaa la sheegay in olalaheeda cusub oo ah mid diblumaasiyadeed uu yahay isku day ay ku rabto in ay ku beejiso in xeer-beegtada UN-ka ay xukun kama dambeys ah ku rido kiiskan aadka u culus.

Dowladda Soomaaliya oo dacwadda gudbisay 24-kii August 2014-kii ayaa hoos u dhigtay dalabyo dhowr ah oo ku aadan in ay wada hadalo la gasho qadiyadan, waxayna ku adkeystay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka ICJ.

Kenya ayaa qoraal ay u dirtay ururka Midowga Afrika waxay ku dooday in kiiskan uu yahay “mid si qoto dheer u saameynaya” amniga gobolka, dagaalka Al-Shabaab iyo joogitaanka ciidamadeeda qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

AMISOM ayaa dalka leh xeebta ugu dheer Afrika loo daabulay sanadkii 2007-dii, halka ay Kenya dib uga soo biirtay 2011-kii, wallow aysan guulo muuqda kasoo hoyn gulufka looga soo horjeeda xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Dhinaca kale, Kenya oo ku hungowday talaabooyin horey oo ay cadaadis ku saareysa xukuumada Muqdisho ayaa sheegtay in baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaaqay “fatwa” ku aadan gal-dacwadeedka badda.

Hasa ahaatee, inta illaa iyo haatan la xasuusan yahay marka kaliya ee uu baarlamaanka Soomaaliya soo qaadey dacwada oo ahayd November 2009-kii, waxay mooshin ku buriyeen is-afaradka “dhalanteedka ah”.

Iyadda oo cok-saneysa xeerarka AU-da, Kenya ayaa ururkan ka codsatay in uu u kala gar-qaado labada dhinac xili ay dowladda federaalka ku eedeysay in ay diiday wada xaajood ay ka gasho kiiskan.

ICJ oo xukunkeeda uu noqon doono mid ay “qasab tahay” in la fuliyo isla markaana aanan rafcaan laga qaadan karin ayaa dhageysiga galkan dib-u-bilaabeysa bisha September, waxaana kadib ay soo saareysaa go’aanka ugu dambeeya.

68741810_10217272263191394_3357927580882ECqyhpdXYAAUNXF.jpegk1.jpegk2.jpegk5.jpegk6.jpegk7.jpegk8.jpeg

Isha: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this