Sign in to follow this  
Deeq A.

SANAAG: Waa Kuma Taliyaha Miisaanka Culus Ee Ka Goostay Ciidamadda Qaranka.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ceerigaabo)Taliye Gurey inkasta oo aanu waqti dheer is naqaanney, waxan gaar u xasuustaa waa aan guddoomiye u ahaa team komishanka doorashooyinku diinwaangelintii 2008 u direy Bariga Sanaag.

E195332C-136B-4E97-AF4C-153E340D5472-806

Waan gaar u xasuustaa maalintaa isaga oo ciidan awood badan oo Jamhuuriyadda ah salaan ka qaadanaya, annagana noo khudbadaynaya ayuu yidhi
“Dalkiinnii baad u shaqayneysaan, shaqo iyo dal barasho ayaa ku jirtaane hawlihiina si kalsooni leh u qabsada – haddii aad cabsootaanna aniga ayaad i ceebayneysaan e ogaada, hareerihiina fiiriya ciidammada qaranka ayaa meel walba jooga e’ werwer la’aada”

Iguma ogeyn uu inaan meesha joogo, cabbaar ka dib buu isaga oo khudbaddii wada sheedda iga arkay, markaasuu igula kaftamay “waar dee Cabdirashiidow awoowe dhallinyarada malaa waa wada reer galbeed e adigaa reer Sanaag ah e u sheeg in ay badhtamihii Somaliland joogaan” markaas ayaannh dhammaantayo qosollay

Wuxu ahaa, welina yahay nin dalkan iyo shaqada ciidan ee naf-hurka ah ee uu hayey aad u jecel. Maanta waxa helay ee ku kelifey falkan aad baan isu weydiiyeh, waxanse isugu jawaabey ‘Faras nin dabadii ka degey; meel u dhaanta ayuu waayey”

Bulshooy, shacab iyo ciidanba, dalkan Muuse Biixi ma leh, in yar buu joogi doona innagaa u hadhayna, yaan habdhaqankiisa hoggaamineed laga ficil qaadan.

Madaxweyne Muuse Biixi isagana waxa la gudboon, dalka inta uu maamulayo fogaan-arag iyo odaynimo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this