Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo si kulul u eedeysay DF, kana hor timid qorsheheedii shirka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Shir Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb uga socday culuma u diinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo iskaga kala yimid dhamaan deegaanada Galmudug iyo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lasoo gabgabeeyay galabta.

Shirka oo socday 21-kii ilaa 23-kii bashaan ayaa waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed ka kooban 11 qodob oo lagu cadeeyay mowqifka guud ee Ahlu-Sunna iyo 5 qodob oo baaq ah.

Qodobada ay ku cabireen mowqifkooda ayaa waxaa ugu waa weynaa:

Inaysan Ahlu-Sunna aqbaleyn in deegaanada Galmudug la keeno dad ay ugu yeereen aas aasayaashii Al-Shabaab, oo ay ka carabaabeen Sheikh Bashiir Axmed Salaad iyo Dalladiisa.

In guddiga loo xilsaaray qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ay faraha kula jiraan habraac ka baxsan shaqadooda, ayna wadaan iska hor keen bulshada, qoona aysan u laheyn dadka reer Galmudug.

In Bushada reer Galmudug loo madax banaaneeyo dhismaha maamulkooda dowladduna ay ka deyso fara galinta ku ekaato doorkeeda kor joogto.

Inaysan ogolaa doonin in dowladdu ay Galmudug geyso ciidamo AMISOM ah iyo kuwa ka socda dowladda federaalka.

Ciidamada la isku dhafay ee hadda ka howlgala magaalooyin ay ugu horeyso Dhuusamareeb, wixii dhiba oo ka yimaada inay mas’uuliyadooda qaadaneyso dowladda federaalka.

In culuma u diinka Ahlu-Sunna ay shir weyne kale iskugu inaanayaan Dhuusamareeb 10-ka bisha October ee sanadkaan.

Dhanka kale baaqa ay direen culuma u diinka Ahlu-sunna ayaa qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah:

In beesha caalamka ay ka fogaato ka qeyb qaadashada wixii deegaanada Galmudug u keeni kara xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed.

In ummadda Soomaaliyeed ay u noqdaan Allahooda, ilaaliyaan midnimadooda, kana fogaadaan afkaarta ku saleysan gaaleysiinta, meelna uga soo wada jeestaan cadawga baneystay dhiigooda iyo maalkooda.

In dowladda federaalka ay dib u eegto ilaalinta taariikhda soo jireenka ah ee diimeed iyo dhaqan ee ummadda Soomaaliyeed, kana fogaato in loo adeegsado burburinta diinta.

Waxey dowladda federaalka ugu baaqeen inay isu keenidda ummadda Soomaaliyeed u marto, isqancin iyo is ogol, kana fogaato caburin iyo maquunin.

Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka Ahli-Sunna:-

1-4.jpg 2-7.jpg

Caasimada Online

Xaafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this