Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqay go’aanno ka dhan ah DF, kana hor-timid qorshe ay waddo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caaismada Online) – Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Dhuusamareeb oo ay lahaayeen culimaa’udiinka Ahlu Sunna ee degaanada maamulka Galmudug ayaa laga soo saaray digniin ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkaan waxa shir gudoominaayay hoggaamiyaha Ahlu-Sunna macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana looga soo horjeestay, sida ay wax ku waddaan guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

Warqad kasoo baxday Macallin Maxamuud ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulka Ahlu-Sunna, islamarkaana beesha caalamka ay ugu baaqayaan in arrintaasi wax laga qabto.

Ahlu-Sunna ayaa sheegtay in sidoo kale aysan ogolaan doonin in ciidamo ka socda Amisom laga geeyo magaalada Dhuusamareeb, sida ay dowladda qorsheeneyso, waxaana ay xustay in ay qaadi doonto tilaabo ka dhan ah arrintaas.

Hoos ka aqriso qoraalka Ahlu-Sunna

WhatsApp-Image-2019-08-23-at-11.09.26-AM WhatsApp-Image-2019-08-23-at-11.09.25-AM

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this