Deeq A. Posted August 23, 2019 Cabdinaasir Seeraar Maax oo kamid ah Siyaasiyiinta Saamaynta badan ku leh deegaanada Jubbaland, ayaa maanta loo doortay Madaxwaynaha Jubbaland, Isagoo kamid ahaa Musharixiinta Isbadal doonka ee jubbaland. Seeraar ayaa ku Biiraya Labadii Madaxwayne ee Shalay lagu doortay Kismaayo, Kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Madaxwaynihii Hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaantay Labadii Doorasho ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, Waxaana Madaxwaynaha Saddexaad ee Jubbaland yeelatay uu dab kusii shidayaa sidii Xal looga gaadhi lahaa Muranka ka taagan Hogaanka Jubbaland. Xisbiyadda Mucaaridka ee Soomaaliya , Maamulka Puntland iyo Dawladda Kenya ayaa dhankooda Hambalyo u diray Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Madoobe]. Beesha Caalamka oo Taageero iyo Dhaqaalle badan ku bixisa Soomaaliya ayaa dhankeeda horay ugu gacan saydhay sida ay wax ku socdeen, Iyadoo codsaday in isbadal dhab ah lagu sameeyo Hanaankii Doorashada, Lana qabto Doorasho Xor iyo Xalaal ah. Si kastaba waxaa isha laguhayaa halka ay Saldhigato Xaalada Siyaasadeed ee Jubbaland . BNN Qaran News Share this post Link to post Share on other sites