Deeq A. Posted August 23, 2019 Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya oo ka hadashay dib u doorashadda Axmed Madoobe ayaa ugu hambalyeysay in dib loogu caleema saaray madaxweynaha Jubbaland. Wasaarada Arrimaha Dibadda xukuumadda Nairobi ayaa ka codsatay dowladda federaalka Soomaaliya in ay la shaqeyso Axmed Maxamed Islaan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda ay shaacisay in aysan aqoonsa-neen natiijadda doorashooyinka is-caleema saarka ee Kismaayo. Kenya ayaa horey loogu eedeeyay in ay hanjabtay qaar kamid ah murashaxiinta doorashadda Jubbaland, kuwaasi oo u sheegtay in ay xayiraad kusoo rogeysay. Xaaladda Kismaayo ayaa ah mid qasan, waxaana tan iyo shalay laga soo warinayaa siyaasiyiin sheeganaya in ay yihiin madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites