Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka oo baaq u diray baarlamaanka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (SMN) – Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka.

James Swan, ergayga UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo baxo xeerkasi.

Mr Swan oo sii hadlaya ayaa waxa uu sheegay in gudoonka labadda Aqal ee dalka ay u sheegeen in ay ka go’an tahay dalka ay doorasho ka dhacdo 2020-21.

Isaga oo ka hadlayey fadhi uu dhowaan yeeshey Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayuu xusay in ay jiraan caqabado hortaagan doorashada.

Mid kamid caqabadaha ugu muhiimsan ayuu ku tilmaamay ammaanka, oo uu xusay in uu haatan walaac badan uu ka jiro.

Balse waxa uu bogaadiyey horumarka ay xukuumadda ka sameysay dhankaasi iyo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyntii, James Swan ayaa wuxuu ka dalbaday Caalamka in ay ka taageeran dowladda Soomaaliya dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo horumarka.

Aqalka Hoose ee dalka ayaa haatan diyaarinaya Sharciga Doorashooyinka, kaasi oo la filayo in ay cod u qaadaan marka guddiga ku howlan uu soo dhameeyo.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 iyo 2021, taasi oo looga gudbayo nidaamka qeybsiga beelaha ee 4.5.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this