Deeq A. Posted August 23, 2019 Garowe (SMN) – Puntland ayaa waxay shaacisay in ay u soo wareegeen ciidamo iyo taliyeyaashii watay oo kasoo goostay Somaliland. Saraakiisha ayaa kala ahaa; Gurey Cismaan Saalax, taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan iyo Casaanyo, taliyihii ciidamada badda ee halkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay xubnahan oo muujiyey dareen farxadeed, iyaga oo ka mahad-naqay soo dhaweynta. Dhinaca kale, wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland ee waqoyga Soomaaliya. Labada dhinac oo muran dhanka dhulka ah uu ka dhaxeeyo ayaa midba kan kale wuxuu sheegtaa in ciidamo dhanka kale kasoo goostay ay isku soo dhiibeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites