Deeq A. Posted August 23, 2019 Wararka laga helayo Magalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in guddoomiyihii degmada Baran ee Soomaaliland Cabdalle Cabdi Faatax iyo Taliyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ay ku biireen Maamulka Puntland. Xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa tagay Baran si ay u soo dhoweeyaan Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Xero ay Ciidamada Soomaaliland ku lahaayeen Magalada Baran laga taagay Calanka Puntland. Si kastaba saakay waaberigii ayay aheyd markii Maamulka Puntland ay kusoo biireen Ciidamo uu hoggaaminayay taliyihii Ciidamada Aaga Magalada Baran G/sare Guray Cismaan Saalax iyo Ciidamo uu wato. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites