Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka iyo Al-Shabaab oo madaafiic is-weedaarsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa madaafiic ay is-weedaarsadeen Ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Illo wareedyo ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in dhinacyaddan ay hoobiyeyaasha isku dhaafsadeen agagaarka xerada Beladoogle ee gobolkaasi.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aanan la ogayn waxyeeladda dhabta ah ee labada dhinac soo kala gaarey.

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamadda xooga dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this