Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo gogol nabadeed dhigaya Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Inkasta oo doorashadiisa ay kasoo horjeesatay dowladda federaalka, madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyey in uu gogol nabadeed dhigayo Kismaayo.

Axmed Maxamed Islaan ayaa tilmaamay in madashaasi lagu xalin doono khilaaf uu sheegay in uu u dhaxeeyo maamulada qaar ee dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in kulankaasi ay kasoo baxaan natiijo wanaagsan oo horusocod ah.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe oo arrimaha ammaanka soo hadal-qaadey wuxuu ku adkeystay in ay ka go’an tahay xorreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this