Sign in to follow this  
Deeq A.

S/land oo qabatay rag dil iyo dhaawac u geystay Ajaaniib

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey in uu gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad dil iyo dhaawac u geystay ajaaniib.

Dadka la dhibaateeyay oo isugu jira laba rag iyo laba dumar ah ayaa waxaa la sheegay in ay ahaayeen tahriibeyaal u dhashay Itoobiya.

Falkan ayaa Khamiistii waxay ka dhaceen duleedka magaaladda Hargeysa, xarunta maamulkaasi.

Taliye ku xigeenka bileyska, Sareeyo Guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa tilmaamay in xubnaha lasoo xiray ay cadaaladda wajihayaa.

Qaybo kamid ah Somaliland ayaa waxay marin u yihiin muhaarijiibta qaar kamid ah dalalka deriska ee nafsadooda ku biimeynaya badda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this