Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar ajaaniib ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo qof ayaa dhintay 2 kalena waa ay dhaacwacmeen, kadib  markii kooxo hubeysan ay rasaaseen ajaaniib ku sugnaa deegaanka Haleeya oo ku yaalla duleedka magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Labada qof ee dhintay ayaa ahaa Dumar, kuwaas oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in labada qof ee la dilay ay qeyb ka ahaayeen dad la tahriibinayay, islamarkaana rasaas ku fureen gaari ay la socdeen rag burcad ah, sida uu hadalka u dhigay.

Fooxle ayaa tilmaamay in howlgal kadib ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggan geystay toogashada ay isticmaalayeen Maandooriyaha, islamarkaana lagu soo qabtay 861 Ltr oo Khamri ah.

Dilkan loo geystay dadkan Itoobiyaanka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay markale soo cosboonaaneyso xiisada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this