Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo degaankeeda u diiday odayaashii fuliyey amarka kooxda Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Onilne) – Saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa go’aan adag ka qaatay odayaashii dhowaan ay cafiska u fidisay Al-Shabaab, waxaana ay u diideen inay dib ugu soo laabtaan deegaanada maamulkaasi.

Illaa 24 oday ayaa la sheegay in haatan ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Maamulka magaalada ayaa la sheegay inuu odayaashaasi u diiday in ay soo galaan Beledxaawo, kadib markii ay la soo kulmeen Al-Shabaab.

Diiriye Salaad Raagow oo ka mid ah ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in ammaankooda dartiis ay u aadeen deegaanada Al-Shabaab, balse loo diiday in ay ku soo laabtaan guryahooda.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda Jubbaland iyo kuwa  dowladda dhexe in ay soo farageliyaan arrintaasi.

15-kii bishii hore ee July ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ka dhan ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Soomaaliya, waxaana markaasi kadib deegaanadooda tegay odayaal badan oo iska soo iska diiwaangeliyey halkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this