Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Muqdisho oo loo magacaabay hogaamiye kooxeed hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho.

2014528635368610533604767Finish54.jpg?w=Cumar Finish

Qoraal ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta oo ay taariikhduna ku beegan tahay Khamiis, 22-ka Ogoosto, 2019.

Cumar Finish ayaa bedelaya Allaha u naxariistee Eng. Yariisow oo lagu dilay qarax bishii la soo dhaafay ee July ka dhacay xarunta gobolka Banaadir.

Mudane Cumar Finish ayaa ahaan jiray hoggaamiye kooxeed caan ka ah Muqdisho, markii horena ka fallaagoobay Muuse Suudi Yalaxow.

PUNTLAND POST

The post Duqa Muqdisho oo loo magacaabay hogaamiye kooxeed hore appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this